Kaydso tamarta
– Oo isku fillaysii
qasnadda qoyska
Somaliska – Soomaali
zycnzj.com/ www.zycnzj.com
zycnzj.com/http://www.zycnzj.com/
Qolka xamaamka/wax dhaqid
» Qubayso halkii aad kaga dabbalan lahayd darka. Iska xidhi tuushka
marka aad saabuunta marsanayso.
» Wakhtiga maydhashada oo aad ka soo gaabisaa min 10 daqiiqo
ilaa 5 daqiiqo waxa ay nus ka dhigaysaa isticmaalidda tamarta
iyo biyaha.
» U dayactir ama u bedel sida ugu dhakhsaha badan
qasabadaha tifiqlaynaya iyo musqulaha da´aya.
» Yaanay biyuhu iska socon marka aad cadayanayso
– oo kaydi darka muggii oo biyo ah wiigii.
» Ku maydh qaasaladda oo buuxda, waxaanad
isticmaashaa heer kulka ugu hooseeya
ee habboon.
» Wadh dharka aad qallajinayso
halkii aad ku qallajin lahayd
mashiinka, inta ugu badan
ee suurtagalka ah.
» Isticmaal mar walba
barnaamijka bee-
khaaminta
marka aad
dharka
may-
dhayso.
Jikada
» Qaboojisadu waxay ku taagnaanaysaa heer kulka +5°C,
tallaajadduna –18°C.
» Barafka ka gur qaboojisada iyo tallaajadda ugu yaraan
hal mar sanadkiiba.
» U nadiifi oo u huufari si joogto ah xagga dambe ee
qaboojisada iyo tallaajadda.
» Iskeed u dhalaali cuntada ku barafowday qaboojiyaha,
halkii aad ka isticmaali lahayd biyo kulul ama mikrada.
» Cuntada kulul qabooji ilaa ay la mid noqonayso heer
kulka qolka inta aanad gelin qaboojisada iyo tallaajadda.
» Weligaa ha isticmaalin digsi ka yar saxanka dabka,
mar walbana dabool isticmaal.
» Sida ugu tamar – kaydinta badan ee biyaha loo kulu-
leeyaa waa in aad ku diiriso biyo – kariye ama mikrada.
» Isticmaal foorno wax ku dubidda isla marka aad
cuntada karinayso.
Tilmaamo tamar kaydsi oo wanaagsan oo
zycnzj.com/ www.zycnzj.com
zycnzj.com/http://www.zycnzj.com/
Qolka fadhiga/qolka hurdada
» Isticmaal nalalka tamarta beekhaamiya
ama nalalka ”LED”, marka aad qolka
ka baxaysana sii demi. Iibsigooda ayaa
qaali ah laakiin waxa aad kaga faa´ii-
daysaa isticmaalka tamarta oo yaraada!
» U laydhi si wanaagsan adiga oo
hawada u furaya wakhti kooban.
» U isticmaal wakhtiyeeye ifinta dhirta,
quraaradda kalloonka